
Ninkan, oo hore dil uga geystay deegaan ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, gaar ahaan magaalada Laascaanood, ayaa muddo dheer ka baxsanayay gacanta sharciga, iyadoo ay ku raad joogeen hay’adaha ammaanka. Waxaa horay uga yaallay waaran rasmi ah oo ay soo saareen CID, taasoo keentay in si gaar ah loo baadi-goobo.
Kadib baaritaan iyo daba-gal dheer oo socday muddo, ciidamada ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan eedeysanaha, iyadoo laga soo qabtay gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan magaalada Marka, halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay.
Hoggaanka CID ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay gacan-ku-dhiiglaha ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, si loo horgeeyo maxkamadda awoodda u leh, loogana qaado tallaabo sharci ah.
Howlgalkan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ugu jiraan sugidda ammaanka iyo la dagaallanka dambiyada culus, iyagoo caddeeyay in cid kasta oo fal dambiyeed geysata aysan ka baxsan doonin gacanta sharciga, meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan.
x1200

Ciidamada Booliska Jubaland ee degmada Dhoobley ayaa sameeyay hawlgallo lagu baacsanayo dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, iyadoo laga fuliyay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.
Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, sidoo kale waxaa la soo qabtay qaar ka mid ah dadka isticmaalayay. Waxaa la helay xashiish, Khamri iyo maandooriye kale oo ay wateen dadka la qabtay.
Saraakiisha Booliska waxay sheegeen inay wali ku raad joogaan qaar ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga maandooriyaha ee baxsadka ah.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay ciidamada ammaanku ku xoojinayaan la dagaallanka maandooriyaha iyo ka hortagga saameynta uu ku leeyahay bulshada, iyadoo la doonayo in la yareeyo dhibaatooyinka caafimaad, amni, iyo bulsho ee ka dhasha maandooriyaha.
—

Security forces in Dhobley district have carried out a wide‑ranging operation targeting individuals involved in the sale and consumption of illicit drugs.
The operation, conducted across several neighborhoods of the town, led to the arrest of multiple suspects believed to be engaged in the trafficking and use of various narcotic substances.
During the crackdown, police seized quantities of cannabis and other illegal drugs found in the possession of the apprehended individuals. Authorities say they are still pursuing additional suspects who managed to flee during the operation and are believed to be part of the drug‑distribution network.
Police officials emphasized that the operation is part of ongoing efforts to curb drug abuse and dismantle criminal groups contributing to insecurity in the area.
x1200

—

Ciidamada Booliska magaalada Dhoobley ayaa shalay howlgal ballaaran oo ay halkaasi ka sameeyeen ku soo qabqabtay dad aan soomayn oo isticmaalayay maandooriye.
Howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa lagu soo qabtay dhowr qof oo aan soomayn, kuwaas oo isticmaalayay noocyo kala duwan oo maandooriye ah.
Sidoo kale, howlgalka ayaa ahaa mid lagu baacsanayay dadka ka ganacsada maandooriyaha.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka la qabtay, kuwaas oo isticmaalayay maandooriye isla markaana cunayay maalintii iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxay sheegeen in tallaabadan looga gol leeyahay ka hortagga dhibaatooyinka ay maandooriyeyaashu ku hayaan bulshada, iyo ma soomayaasha xurmeeyn wayay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dadka la qabtay ayaa lagu xiray saldhigga booliska, iyadoo saraakiisha ciidamada booliska ay sheegeen in dhawaan la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado tallaabo waafaqsan shareecada Islaamka ee dembiyada ay galeen.
Tallaabada ay qaadeen ciidamada Booliska Degmada Dhoobley ee Dowladda Jubaland ayaa ku soo beegmaysa xilli hore loo uga digay bulshada inay maalmaha Ramadaanka sameeyaan ficillo wax u dhimaya karaamada bisha barakeysan, sida cunista cuntada maalintii iyo isticmaalka maandooriyaha.
Howlgalka ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, xilli ay bulshada Muslimiinta ku mashquulsan yihiin cibaado iyo camal suuban.

发表回复