Somalia! Dhaca iyo Bililaqada oo Aad Ugu Sii Badanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay, W/Bari oo soo bandhigtay 5 nin oo loo haysto kufsi wadareed + Magacyada, Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 174 Dhalinyaro Tahriibayaal ah, Maleeshiyaad hubeysan oo Dhakhtar ka afduubtay Gaalkacyo, Waa sidee Saaka xaalka Muqdisho, Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo dhageysatay kiis la xiriira qorsheynta weeraro bam-gacmeedyo ah oo ka dhici lahaa Kismaayo, Maxkamadda Ciidamada Jubaland oo Fadhigii Labaad ka Yeelatay Kiiska Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf oo loo haysto xiriir iyo ka mid ahaanshaha argagixisada Al-Shabaab, Booliska oo gacanta ku dhigtay eedeysane loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay Hiiraan, Dil ka dhacay Boosaaso iyo Faahfaahino ka soo baxaya, Puntland oo gacanta ku dhigtay koox xiriir la leh Burcadbadeeda, Burcad badeed Soomaali ah oo markab ka dalbaday madaxfurasho 3 malyan oo doollar ah, Booliiska Muqdisho oo Xiray Dad Lagu eedeeyay Rabshado iyo Carqaladeynta Amniga, Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), Boliiska Degmada Dhoobley oo gacanta ku dhigay Maandooriye iyo ragii ka ganacsanayay, Police in Dhobley Launch Major Operation Against Drug Trafficking Networks, Ciidanka Booliska Degmada Dhoobley oo qabtay dad aan soomayn oo isticmaalayay daroogo xilli lagu jiro bisha Ramadaan

2026.5.25 W/Bari oo soo bandhigtay 5 nin oo loo haysto kufsi wadareed + Magacyada
Laascaanood – Ciidamada Booliska ee Maamulka Waqooyi Bari ayaa gacanta ku dhigay shan nin oo loo haysto inay geysteen kufsi wadareed, halka nin lixaad oo lala xiriirinayo falkaasi uu weli baxsad yahay, sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka.
Howlgalka lagu soo qabtay eedeysanayaasha ayaa yimid kadib baaritaanno ay sameeyeen laamaha ammaanka, kuwaas oo la xiriiray dhacdada kufsiga ah oo Laascaanood ka dhacday 23-kii bishan May, kadib markii kufsi wadareed loo gaystay gabar kasoo jeeda deegaanka.
“Ciidanka Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, gaar ahaan Ciidanka Booliska Qaybta Gobolka Sool, iyagoo gudanaya waajibaadkooda shaqo ee ilaalinta ammaanka, badqabka bulshada iyo sugidda caddaaladda, ayaa ku guulaystay dabagal ay ku sameeyeen fal-danbiyeed kufsi ah oo ka dhacay magaalada Laascaanood taariikhdu markay ahayd 23 May 2026.
Howlgalkaasi kadib, Ciidanka Boolisku waxay gacanta ku soo dhigeen shan (5) eedaysane oo loo haysto kiiskaasi, halka hal eedaysane oo kale uu weli baxsad yahay, isla markaana ay ku raadjoogaan laamaha ammaanku,” ayaa lagu yiri warsaxaafadeedka.
Ragga lasoo qabtay ayaa kala ah;-  1-Maxamed Cabdi Ismaaciil Faarax Ina Farduus Xasan Saalax L/28 Jir Ah, 2-Sharmaake Cabdi Cali Cabdilaahi Ina Safiya Daahir Obsiiye L/22 Jir Ah, 3-Sahal Maxamed Cabdi Samatar Ina Deeqa Axmed Ducaale L/22 Jir Ah, 4-Axmed Cabdiqaadir Ashkir Ina Muxubo Jaamac Ciise L/24 Jir ah, 5-Cabdicasiis Jaamac Shire Ina Yurub Kaariye Bulaale L/21 Jir Ah iyo 6-Maqane Cabdiraxmaan Maxamed Muuse Warsame oo maqane ah.
Sidoo kale warsaxaafadeedka ayaa lagu caddeeyay in kiiskan ay dhibbane ka tahay muwaadinad reer Waqooyi Bari ah, sidoo kalena uu khuseeyaa ilaalinta sharciga iyo ammaanka guud ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya.
Booliska ayaa sidoo kale shaaca ka qaaday in baaritaanku si buuxda u socdo, isla markaana warbixin dhammaystiran ay wadaagi doono bulshada marka ay soo gebageboobaan baaritaannada socda.
“Eedaysanayaasha gacanta lagu hayo waxaa sida ugu dhakhsiyaha badan loogu gudbin doonaa hay’adaha garsoorka si loo marsiiyo habraaca sharciga waafaqsan,” ayaa mar kale lagu yiri qoraalka Booliska.
Ugu dambeyn, Ciidanka Boolisku ayaa bulshada u sheegay in uusan jirin war rasmi ah oo kasoo baxay hay’adaha ammaanka, kana horreeyay war-saxaafadeedkan, sidaas darteedna dhammaan wararka lagu faafiyey baraha bulshada ee la xiriira kiiskan ee aan kasoo bixin hay’adaha rasmiga ah ay yihiin warar aan xaqiiqo ku dhisnayn, kuwaas oo carqaladayn kara hannaanka caddaaladda iyo shaqada ay hayaan ciidamada ammaanku.

2026.5.24 Booliska oo gacanta ku dhigtay eedeysane loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay Hiiraan
Booliska Soomaaliya ayaa gacanta ku dhigay eedeysane lagu magacaabo Cabdifitaax Shaafici Daahir, kaas oo loo haysto dil iyo dhaawac ka dhacay degmada Halgan ee Gobolka Hiiraan.
Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, eedeysanaha ayaa lagu tuhunsan yahay inuu 20-kii May 2026 si ula kac ah u dilay marxuum Cali Faarax Daahir Wabi, oo ahaa nin 60 jir ah, isla markaana uu dhaawac u geystay Cabdi Jimcaale Garood.
Wararka ayaa intaas ku daraya in Cabdifitaax Shaafici Daahir uu ka baxsaday Gobolka Hiiraan kadib markii uu dhacay falkaasi, hase yeeshee ciidamada CID-da ayaa bilaabay howlgallo lagu baadi-goobayay eedeysanaha.
Ciidamada ayaa ku guuleystay inay ku qabtaan deegaanka Ceelmacaan, xilli uu si dhuumaaleysi ah ugu safrayay gaari, sida lagu sheegay war kasoo baxay Booliiska Soomaaliyeed.
Hay’adda CID-da ayaa hadda wada baaritaanno la xiriira kiiskan, waxaana la sheegay in eedeysanaha loo gudbin doono hay’adaha garsoorka si uu u wajaho caddaaladda.

2026.5.23 Booliiska Muqdisho oo Xiray Dad Lagu eedeeyay Rabshado iyo Carqaladeynta Amniga
Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed, gaar ahaan Taliska Qaybta Guud ee Booliska Gobolka Banaadir, ayaa gacanta ku dhigay shaqsiyaad lagu eedeeyay inay ku lug lahaayeen falal abaabulan oo rabshado iyo saxmad looga sameeyay goobaha hubinta amniga ee magaalada Muqdisho.
Sida lagu sheegay war-saxaafadeed ka soo baxay Booliiska, eedaysanayaashan ayaa lagu qabtay iyagoo falal khatar gelinaya amniga, xasilloonida iyo isu socodka shacabka ka sameynayay goob ay ciidamada amniga ka sugayeen nabadgelyada caasimadda.
Hay’adaha amniga ayaa sheegay in hadda ay socdaan baaritaanno hordhac ah oo lagu sameynayo dadka la qabtay, waxaana la qorsheynayaa in loo gudbiyo maxkamadda awoodda u leh si sharciga loo mariyo. Sidoo kale, ciidamada ammaanka ayaa sheegay inay wali baadi-goobayaan shaqsiyaad kale oo la rumeysan yahay inay ku lug lahaayeen falalkan.
Booliiska ayaa markale bulshada ugu baaqay inay ka fogaadaan falal kasta oo dhaawici kara amniga iyo xasilloonida magaalada, iyagoo xusay inaan la oggolaan doonin bannaan-baxyo ama isu imaatin aan fasax rasmi ah ka haysan hay’adaha amniga.
War-saxaafadeedka ayaa lagu adkeeyay in cid kasta oo lagu helo falal rabshado wata ama wax u dhimaya amniga guud laga qaadi doono tallaabo sharci ah oo adag, si loo ilaaliyo nabadgelyada iyo kala dambeynta caasimadda Muqdisho.

2026.5.19 Dil ka dhacay Boosaaso iyo Faahfaahino ka soo baxaya
Wararka ka imaanaya Gobolka Bari ayaa sheegaya in Magaalada Boosaaso lagu dilay Yuusuf Bootaan Ciise oo horey u soo noqday xildhibaan iyo wasiir ku xigeen ka tirsan Puntland.
Dilka ayaa la sheegay in uu geystay wiil uu dhalay marxuumka la dilay oo lagu magacaabo Maxamed Yuusuf Bootaan, kaas oo la tilmaamay in uu la noolaa xanuun dhanka dhimirka.
Wiilka ayaa la sheegay in uu dilka aabihiisa u adeegsaday toorrey uu dhowr jeer ku dhuftay, waxayna dhacdadan naxdinta leh ka dhacday xaafadda masjidka Al-aqsa.
Laamaha amniga magaalada Boosaaso oo tagay goobta falkan ka dhacay ayaa gacanta ku dhigay wiilka dilka geystay, waxaana socda baaritaano la xiriira dhacdadan.
Magaalada Boosaaso ayaa waxaa ku soo kordhay dilalka, iyadoona xaalada ammaan ee magaaladaasi ay faraha ka baxday maalmihii la soo dhaafay.

2026.5.19 Burcad badeed Soomaali ah oo markab ka dalbaday madaxfurasho 3 malyan oo doollar ah
Hay’adda Ansar Burney Trust oo ah hay’ad xuquuqul insaanka u dooda oo ku sugan dalka Pakistan ayaa sheegtay in burcadbadeedda ay dalbadeen madaxfurasho lacageed oo dhan 3-milyan oo doollarka Mareykanka ah si loo sii daayo shaqaalihii la socday markab shidaal oo laga afduubtay meel u dhow Soomaaliya bishii Abriil ee sannadkan.
Hay’adda Ansar Burney Trust ayaa sheegtay in ay xiriir la sameeyeen kooxaha burcad badeeda ah, waxaana ay isku dayayeen in ay sii daayaan shaqaalaha la afduubtay.
Waxaa xusid mudan in 21-kii Abril ay burcad-badeeddu af-duubteen markab shidaal oo lagu magacaabo ‘MT Honor 25’ meel u dhow Soomaaliya. 17 ka mid ah shaqaalaha markabkan, ayaa 10 ka mid ah waxay u dhasheen Pakistan.
Qoysaska Pakistaaniyiinta la qafaashay ayaa mar ay BBC Urdu la hadlayeen waxay ku andacoodeen in markii hore aysan wax dhib ah ku qabin raashinka saaran markabka, balse hadda muddo ka dib ay cunno yari dhacday, halka shaqaalaha markabka aysan jirdil u geysan ku dhawaad 50-ka burcad badeeda ah ee markabka saaran, balse waxaa sidoo kale loogu hanjabay in la dili doono haddii aan la fulin dalabaadkooda.
Shirkadda ka shaqeysa MT Honor 25, Wharf Chartering, waxay ka diiwaan gashan tahay Indonesia. Kabtanka markabka ayaa u dhashay dalka Indonesia, iyadoo sidoo kale shaqaalaha markabka ay ku jiraan afar muwaadin oo u dhashay dalka Indonesia.

2026.5.18 Maxkamadda Ciidamada Jubbaland oo dhageysatay kiis la xiriira qorsheynta weeraro bam-gacmeedyo ah oo ka dhici lahaa Kismaayo
Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubbaland ayaa maanta dhageysatay kiis dacwadeed ka dhan ah Salmaan Nuur Haafow, oo lagu eedeeyay ka mid ahaanshaha argagixisada iyo qorsheynta weeraro bam-gacmeedyo ah oo lagu bartilmaameedsan lahaa hoteellada ku yaalla magaalada Kismaayo.
Fadhiga maxkamadda waxaa guddoominayay Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee Ciidamada Qalabka Sida ee Jubbaland G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahin, iyadoo xeer ilaalintu soo bandhigtay eedaha halka qareenka difaacaya eedeysanaha uu gudbiyay dood difaac ah. Ugu dambeyn, maxkamadda ayaa soo xirtay fadhiga iyadoo la filayo go’aan dambe

2026.5.18 Puntland oo gacanta ku dhigtay koox xiriir la leh Burcadbadeeda
Maamulka Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanka ay gacanta ku dhigeen kooxo looga shakisan yahay burcad-badeednimo, kadib howlgallo amni oo laga sameeyay deegaano ka tirsan gobolka Bari.
Saraakiisha ammaanka Puntland ayaa sheegay in howlgaladan ay qeyb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo la dagaallanka kooxaha burcad-badeedda ah ee ka howlgala xeebaha Puntland, xilli ay soo kordhayaan walaacyada la xiriira weerarrada lagu qaado maraakiibta ganacsiga ee maraya biyaha Soomaaliya iyo Badda Cas.
Mas’uuliyiinta ayaa tilmaamay in dadka la qabtay lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin shabakado burcad-badeed ah oo ku lug leh afduubyo iyo weerarro ka dhan ah maraakiibta ganacsiga, kuwaasi oo muddooyinkii dambe dib uga soo muuqanayay xeebaha Soomaaliya.
Taliyeyaasha booliska gobolka Karkaar ay la baxday Puntland ayaa sheegay in ciidamada ammaanku ay sii wadi doonaan howlgalada ka dhanka ah kooxaha burcad-badeedda iyo cid kasta oo lagu tuhmo inay taageero siiso.
Waxay sidoo kale digniin adag u direen shacabka, iyagoo sheegay in qof kasta oo lala xiriiriyo taageeridda ama la shaqeynta kooxaha burcad-badeedda uu wajihi doono tallaabo sharci ah.
“Waxaan tallaabo adag ka qaadi doonnaa cid kasta oo ku lug leh taageeridda falalka burcad-badeednimada,” ayay sheegeen saraakiisha booliska, kuwaasi oo xusay in eedeysanayaasha la horgeyn doono maxkamad kadib marka la soo gabagabeeyo baaritaannada socda.
Howlgalladan ayaa kusoo aadaya xilli ay sare u kacday cabsi laga qabo dib usoo laba kacleyn ku timaadda burcad-badeedda Soomaalida, kadib dhacdooyin dhowr ah oo la xiriiray afduubyo iyo weerarro lagu qaaday maraakiib ganacsi oo marayay marinada muhiimka ah ee Badda Cas iyo Badweynta Hindiya.

2026.5.13 Dhaca iyo Bililaqada oo Aad Ugu Sii Badanaya Magaalada Baydhabo ee Gobolka Baay.
Ruux goobjooge ah oo ku sugan magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Baay oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay, in habeenkii ay magaalada qasantahay, isalamarkaana ay ciidamada Dowladdda Fedaraalka geysanayaan dhac iyo bililiqo ka dhan ah guryaha dadka rayidka ah iyo dadka ku lugaynayo gudaha magaalada.
Goob-joogahan oo laftiisa laga fara-maroojiyay teleefoonkiisa gacanta ayaa sheegay, in habeenkii ay adag tayay, in ruux wata taleefoon ama waxyaabo muhiim ah uu la maro gudaha magaalada Baydhabo, taas oo ay ugu wacan tahay dhaca ay geysanayaan ciidamada Dowladdda Fedaraalka.
Waxa uu goob-joogahani intaasi ku daray, in shacabka Baydhabo loogu handaday xarig haddii ay ka cawdaan dhaca iyo bililiqada ay kala kulmayaan ciidamada Dowladdda Fedaraalka.

2026.5.12 Maxkamadda Ciidamada Jubaland oo Fadhigii Labaad ka Yeelatay Kiiska Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf oo loo haysto xiriir iyo ka mid ahaanshaha argagixisada Al-Shabaab.
Maxkamadda Ciidanka Qalabka Sida iyo Dambiyada Culus ee Dowladda Jubaland ayaa u fadhiisatay garmaqalka labaad ee kiis eedeysane uu ka yahay Cabdirisaaq Cabaas Sheekh Yuusuf, oo lagu soo eedeeyay xiriir iyo ka mid ahaanshaha kooxda Al-Shabaab.
Dhageysiga maxkamadda ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida ee Jubaland G/Sare Cabdullaahi Maxamuud Ibraahim, ku-xigeennadiisa, Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida, qareenka difaacayay eedeysanaha iyo ehelladiisa.
Xeer-ilaaliyaha Guud ee Ciidanka Qalabka Sida G/Dhexe Ismaaciil Cabdi Cali ayaa maxkamadda horkeenay sawirro iyo muuqaallo la xiriira eedaha loo heysto Cabdirisaaq, kuwaas oo la sheegay inuu kaga hadlayay falal argagixiso iyo howlo uu u fulinayay Al-Shabaab.
Dhankiisa, qareenka difaaca Cabdullaahi Cabdiraxmaan Maxamed Kolombos ayaa soo bandhigay dood sharciyeed uu ku difaacayay muwakilkiisa.
Guddoomiyaha Maxkamadda ayaa ugu dambeyn soo xiray garmaqalka labaad, iyadoo lagu balamay in la qabto dhageysiga saddexaad ee kiiska.

2026.5.10 Waa sidee Saaka xaalka Muqdisho?.
Magaalada Muqdisho ayaa saaka ku waabareysatay, ciidamo badan oo taagan isgoysyada muhiimka ah ee magaalada Muqdisho.
Guriga Sheekh Shariif uu ka degan yahay Xaafadda Mirinaayo, waxaa lagu arkayaa ciidamo hubeysan oo wata gaadiidka, waxaana isku horfadhiyo ciidamo ka tirsan kuwa DFS iyo kuwa ilaalada u ah.
Sidoo kale waxaa la go’doomiyeen goobaha ay ka degan yihiin xubnaha siyaasiyiinta ee Mucaaradka, gaar ahaan guryaha ay degan yihiin RW hore Xasan Cali Kheyre, Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Cabdiqeybdiid, Cabdi kariin Xuseeen Guuleed, Xildhibaan Odawaa, Agaasime Koofi.
Shacabka ayaa saaka dareemaya cabsi iyo wal wal xooggan.
Ciidamo aad u hubeysan oo isugu jira Boolis, Millateri, NISA iyo Boolis Militaaro ayaa xalay ilaa saaka lagu arkayaa hareeraha wadooyinka Muqdisho.
Xaaladda guud ee Muqdisho saaka ayaa lagu tilmaamayaa mid aad u cakiran, iyadoo waddooyinka qaar lagu arkayo ciidamo dheeraad ah, halka shacabka magaalada ay dareemayaan cabsi la xiriirta suurta-galnimada iska hor imaad u dhaxeeya dowladda iyo siyaasiyiinta mucaaradka.
Mucaaradka dowladda ayaa hore ugu dhawaaqay bannaanbaxyo ay ku diidan yihiin burburinta guryaha shacabka, barakicinta dadka rayidka ah iyo hanaanka doorashooyinka dalka, halka dowladda Federaalka ay siweyn uga soo horjeedo bannaanbaxa mucaaradka.
Wixii ku soo kordha la soco.

2026.4.23 Dowladda Soomaaliya oo dalka dib ugu soo celisay 174 Dhalinyaro Tahriibayaal ah
Wasiir Ku-xigeenka Wasaraadda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah Mudane Xasan Maxamed Cali, ayaa maanta Garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ku soo dhaweeyay 174 dhalinyaro Soomaali ah oo laga soo celiyay dalka Liibiya, kuwaas oo soo maray xaalado adag oo dhinaca bani’aadantinimada iyo amniga ah, oo ay ka mid ahaayeen xabsi, jirdil, iyo nolol aad u liidata.
Dib u soo celintan Muwaadiniintaan waxaa hoggaaminayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah, iyadoo qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee dowladda Federaalka Soomaaliya ay ku caawinayso muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku dhibaataysan dibadda, isla markaana lagu yareynaayo dhibaatooyinka ay wajahaan.
Arinkaas ayaa waxa uu daba socodaa booqashadii uu Wasiirka Waraaradda Arimaha Dibadda Soomaaliya Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali ku tagay Dalka Liibiya, taas oo gacan ka geysatay xoojinta iskaashiga dib loogu soo celinayo muwaadiniinta Soomaaliyeed si ammaan ah.
Howlgalka waxaa fuliyay Waaxda Arrimaha Qurbajoogta, iyadoo lala kaashanayo hay’adda International Organization for Migration (IOM), Midowga Yurub ee Soomaaliya, iyo Safaaradda Soomaaliya ee Liibiya.
Markii ay yimaadeen Muqdisho, dadka la soo celiyay waxaa la siiyay gargaar degdeg ah oo ay ka mid yihiin daryeel caafimaad, hoy ku meel gaar ah, iyo taageero nafsiyeed, iyadoo sidoo kale la diyaarinayo barnaamijyo dib u dhexgal bulsho si ay noloshooda dib ugu bilaabaan.
Wasaaradda Arimaha Dibadda ayaa mar kale xaqiijisay sida ay uga go’an tahay ilaalinta muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, iyo wax ka qabashada sababaha keenaya tahriibka sharci darrada ah iyadoo la ballaarinayo fursadaha gudaha dalka.

2026.4.22 Maleeshiyaad hubeysan oo Dhakhtar ka afduubtay Gaalkacyo.
Magaalada Gaalkacyo ayaa xalay lagu afduubay Dr. Faarax Cabdi Maxamed, oo ka mid ahaa dhakhaatiirta ka howlgalaya isbitaalka guud ee magaalada, kana tirsanaa hay’adda Médecins Sans Frontières (MSF).
Wararka ayaa sheegaya in maleeshiyaad hubeysan ay ka dambeeyeen afduubka dhakhtarka, kuwaas oo la sheegay inay hore u faafiyeen muuqaallo ay ku codsanayaan in la sii daayo nin laga soo qabtay gudaha Itoobiya, islamarkaana haatan ku xiran magaalada Garoowe ee Gobolka Nugaal.
Ninka ay dalbadeen sii deyntiisa ayaa la sheegay in loo haysto dilkii taliyihii ciidamada madaxtooyada Puntland, Col. Cismaan Cumar Maxamed (Cismaan Itoobiyaan), oo sanadkii 2020-kii lagu dilay magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.
Sidoo kale, wararka ayaa intaasi ku daraya in afduubka dhakhtarka uu salka ku hayo arrimo la xiriira aano qabiil ah, iyadoo la soo werinayo inuu dhakhtarka hayb la wadaagta Madaxweynaha Puntland, Saciid Cabdullaahi Deni.
Falkan ayaa si weyn u cambaareeyay bulshada ku nool Gaalkacyo iyo guud ahaan gobolka Mudug, kuwaas oo dalbanaya in si degdeg ah loo sii daayo dhakhtarka, islamarkaana laga fogaado falalka amni darrada ah ee saameynaya shaqaalaha caafimaadka.
Ilaa iyo hadda, ma jiro wax ah oo kasoo baxay laamaha ammaanka ee Puntland, balse waxaa la filayaa in arrintan ay dhalin karto cadaadis cusub oo ku saabsan xaaladda amni ee xillugan ka jirta gobolka Mudug.

2026.4.10 Taliska Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, gaar ahaan Hoggaanka Baarista Dembiyada (CID), oo kaashanaya qeybaha kala duwan ee Booliska, ayaa ku guuleystay howlgal qorsheysan oo lagu soo qabtay gacan-ku-dhiigle muddo dheer baxsad ahaa.
Ninkan, oo hore dil uga geystay deegaan ka tirsan Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, gaar ahaan magaalada Laascaanood, ayaa muddo dheer ka baxsanayay gacanta sharciga, iyadoo ay ku raad joogeen hay’adaha ammaanka. Waxaa horay uga yaallay waaran rasmi ah oo ay soo saareen CID, taasoo keentay in si gaar ah loo baadi-goobo.
Kadib baaritaan iyo daba-gal dheer oo socday muddo, ciidamada ayaa ugu dambeyn ku guuleystay in ay gacanta ku dhigaan eedeysanaha, iyadoo laga soo qabtay gobolka Shabeellaha Hoose, gaar ahaan magaalada Marka, halkaas oo uu ku dhuumaaleysanayay.
Hoggaanka CID ayaa si rasmi ah ugu wareejiyay gacan-ku-dhiiglaha ciidamada Booliska Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari, si loo horgeeyo maxkamadda awoodda u leh, loogana qaado tallaabo sharci ah.
Howlgalkan ayaa muujinaya dadaalka joogtada ah ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed ay ugu jiraan sugidda ammaanka iyo la dagaallanka dambiyada culus, iyagoo caddeeyay in cid kasta oo fal dambiyeed geysata aysan ka baxsan doonin gacanta sharciga, meel kasta oo ay isku dayaan inay ku dhuuntaan.
x1200
2026.3.19 Boliiska Degmada Dhoobley oo gacanta ku dhigay Maandooriye iyo ragii ka ganacsanayay.
Ciidamada Booliska Jubaland ee degmada Dhoobley ayaa sameeyay hawlgallo lagu baacsanayo dadka ka ganacsada maandooriyaha noocyadiisa kala duwan, iyadoo laga fuliyay qaybo ka mid ah xaafadaha magaalada.
Intii uu socday hawlgalku, ciidamada ayaa gacanta ku dhigay tiro dad ah oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha, sidoo kale waxaa la soo qabtay qaar ka mid ah dadka isticmaalayay. Waxaa la helay xashiish, Khamri iyo maandooriye kale oo ay wateen dadka la qabtay.
Saraakiisha Booliska waxay sheegeen inay wali ku raad joogaan qaar ka mid ah dadka lagu tuhunsan yahay ka ganacsiga maandooriyaha ee baxsadka ah.
Tallaabooyinkan ayaa qayb ka ah dadaallada ay ciidamada ammaanku ku xoojinayaan la dagaallanka maandooriyaha iyo ka hortagga saameynta uu ku leeyahay bulshada, iyadoo la doonayo in la yareeyo dhibaatooyinka caafimaad, amni, iyo bulsho ee ka dhasha maandooriyaha.

2026.3.13 Police in Dhobley Launch Major Operation Against Drug Trafficking Networks
Security forces in Dhobley district have carried out a wide‑ranging operation targeting individuals involved in the sale and consumption of illicit drugs.
The operation, conducted across several neighborhoods of the town, led to the arrest of multiple suspects believed to be engaged in the trafficking and use of various narcotic substances.
During the crackdown, police seized quantities of cannabis and other illegal drugs found in the possession of the apprehended individuals. Authorities say they are still pursuing additional suspects who managed to flee during the operation and are believed to be part of the drug‑distribution network.
Police officials emphasized that the operation is part of ongoing efforts to curb drug abuse and dismantle criminal groups contributing to insecurity in the area.
x1200

2026.3.8 Ciidanka Booliska Degmada Dhoobley oo qabtay dad aan soomayn oo isticmaalayay daroogo xilli lagu jiro bisha Ramadaan.
Ciidamada Booliska magaalada Dhoobley ayaa shalay howlgal ballaaran oo ay halkaasi ka sameeyeen ku soo qabqabtay dad aan soomayn oo isticmaalayay maandooriye.
Howlgallo ay ciidamada ka sameeyeen xaafadaha kala duwan ee magaalada ayaa lagu soo qabtay dhowr qof oo aan soomayn, kuwaas oo isticmaalayay noocyo kala duwan oo maandooriye ah.
Sidoo kale, howlgalka ayaa ahaa mid lagu baacsanayay dadka ka ganacsada maandooriyaha.
Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono dadka la qabtay, kuwaas oo isticmaalayay maandooriye isla markaana cunayay maalintii iyadoo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Waxay sheegeen in tallaabadan looga gol leeyahay ka hortagga dhibaatooyinka ay maandooriyeyaashu ku hayaan bulshada, iyo ma soomayaasha xurmeeyn wayay bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dadka la qabtay ayaa lagu xiray saldhigga booliska, iyadoo saraakiisha ciidamada booliska ay sheegeen in dhawaan la horgeyn doono maxkamad si loogu qaado tallaabo waafaqsan shareecada Islaamka ee dembiyada ay galeen.
Tallaabada ay qaadeen ciidamada Booliska Degmada Dhoobley ee Dowladda Jubaland ayaa ku soo beegmaysa xilli hore loo uga digay bulshada inay maalmaha Ramadaanka sameeyaan ficillo wax u dhimaya karaamada bisha barakeysan, sida cunista cuntada maalintii iyo isticmaalka maandooriyaha.
Howlgalka ayaa sidoo kale ku soo beegmay xilli lagu guda jiro bisha barakeysan ee Ramadaan, xilli ay bulshada Muslimiinta ku mashquulsan yihiin cibaado iyo camal suuban.

评论

发表回复

您的邮箱地址不会被公开。 必填项已用 * 标注

More posts